Sawirro: Cabdikariin Qalbidhagax oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho

12 May 2022 (Puntlandes) Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax oo ka mid ah saraakiisha ururka ONLF oo hore xukuumadii Xasan Cali Kheyre u gacangelisay xukuumada Itobiya sanadkii 2017-kii ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey Cabdikariim Muuse Qalbi dhagax.

Qalbidhagax oo ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka.

Ujeedka safarka Cabdikariin Qalbidhagax ayaa lagu sheegay in uu goobjoog ka noqdo doorashada madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishaan May.

Waa markii ugu horeysay ee uu Qalbidhagax yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Xukuumadda Adis-ababa.

Sida ay sheegayaan dadka u dhuundaloola arrimaha siyaasada imaanshaha Qalbidhagax ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay guul u tahay musharaxiinta mucaaradka iyadoo dhabar jab ay ku noqonayso musharaxiinta Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dhiibistiisa.

About The Author