Maraykanka oo sheegay inay Somaliland ula shaqaynayaan si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya

12 May 2022 (Puntlandes) Qoraal lagu daabacay boga Twitterka ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in saraakiisha AFRICOM, ay Somaliland u yimaadeen si ay u xoojiyay xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, si waafaqsan Dastuurka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu Somaliland ula shaqaynayo si lamid ah dowlad goboleedyada ka dhex jira Soomaaliya, iyo iyada oo la ixtiraamayo siyaasada Maraykanka ee ah “Soomaaliya kali ah”.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu yiri “Madaxdu waxay ka wadahadleen balaarinta iyo tayeynta iskaashiga Somaliland, si la mid ah dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka, oo waafaqsan siyaasadda Maraykanka ee “Soomaaliya keli ah”, waafaqsana Dastuurka Soomaaliya”

Madaxda ugu saraysa Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa Khamiistii maanta safar ku yimid Somaliland, iyaga oo booqday magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.

About The Author