Dhageyso: Gaas oo ka tacsiyeysay dilka Xildhibaan Siciid Xuseen, kuna eedeeyey dilkiisa All Shabaab

Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeysay dilka AUN Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur (Dirir) oo gacan ka xaq daran ay salaadii Makhrib kadib caawa ku dishay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dalka dibadiisa ku sugan ayaa sheegay inay ka xun yihiin falkaan isagoo ku eedeeyey inay ka dambeeyaan kooxda All Shabaab.

Ugu dambayntii madaxweyne Gaas ayaa ka rajeejeyey ciidamada Puntland inay soo qabtaan wuxuuna yiri yiri Gaas mar uu ka hadlayey arintaas ”waxaan ka rajaynayaa in kuwii dilay Sharciga la horkeeno .. waan rajaynayaa in Ciidamadu shaqo fiican ka qabtaan ” waa maxadweynihii dalka waxa wax rajaynaya oo aan amrayn ciidamadiisa iyo dawladiisa e eka rajaynaya si guud isagoo aad mooda in uu dal kale ka hadlayo …

 

Halkan ka dhagayso Gaas


Puntlandes.com

About The Author