Waa kuwama labada wariye ee Fadhi ku dirir ku doonaya inay ku qaataan Gobolka Mudug ee Puntland

41

Warbaahinta Puntlandes ayaa akhristayaasheeda u soo bandhigaysa labada wariye ee Fadhi ku dirir ku doonaya inay ku qaataan ama ku BOOBAAN Gobolka Mudug ee Puntland. Labaas wariye ayaa kala Draan Shirwac iyo Falastiin Axmed Iimaan. Duraan wuxuu soo jeediyaa Barnaamijka la magac baxay Dareenka Shacabka oo ka baxa TV Horn cable isagoo Barnaamijkaas u adeegsada in uu wax aan jirin ka baahiyo oo salka ku haya Gobolka Mudug ee Puntland halka ay Falastiin ay ka shaqayso idaacada afka Soomaaliga ku baxda ee VOA iyadoo dagaal cad ku haysa Puntland iyo dadkeeda.

38

Barnaamijkii Todobaadkan ee uu diyaariyey Duraan wuxuu u maamulay si ummadda Soomaaliyeed dhamaanteed ay ku qososhay toosna loogu jeegay in uu dhan la dhacsanaa uusana dhexdhexaad ka ahyn waa marka koowaade iskuma dheelitirayn dadka doodayey oo waxay kala ahaayeen 1 qof oo reer Puntland ah iyo 3 qof oo dhanka Cadaado ah iyo isaga oo dhankooda ahaa. Waxaa shaashada laga daawanayey qosolkiisa iyo siduu ula dhacsanaa. Duraan waxyaala uu ku doodayey waxaa ka mid ahayd in ay sharci daro ahayd oo aan gobol laka qaybin karin!!!

41c

Dhanka kale marnaamijkii dooda,VOA da, ee maanta oo ay daadihinaysay Falastiin waxay ku casuuntay sidii Duraan Marwo Caasho Geelle oo dhanka Puntland ah iyo Xildhibaanka doolarka ku shaqeeya ee caanka ah Xil. Xoosh Jabriil uuna dadka baray madaxweyne Gaas iyo Eng Yariisow oo ka tirsan Kooxda HAG iyo Falastiin laftigeeda oo sadex ku ahayd.

Waxyaalihii cajiibka ahaa ee ay ku doonaysay ileen wariye ma aysan ahayne waxay ahayd in Dastuurka Federaalka ee KMG uu dhigayo in la isku raaci karo oo kaliya Gobolo “laba gobol iyo wixii ka badan” ee ay sharci daro tahay in gobol la kala qaybiyo CAJIIB oohin ama BAROOR gobol dhan ma lagu helaa?

Ha is waydiiyaan dadka aan waxba akhrin oo ay Falastiin ka mid tahay in aan Gudiga xadaynata Xuduudaha aan loo baahdeen haddii gobol wax ka yar aan la isku raaci karin. Waxay taasi cadaynaysaa oo dastuurku sheegayaa in xataa degmo qaybteed ay meel kale raaci karto.

Dadku caruur maaha haddii ay Soomaalinimadu tahay in Gobolka Mudug israaco qaybta waqooyi, bari iyo galbeed waxay wax ka dhisteen kana tirsanaayeen 17 sano Puntland ee maxaa qaybta Koonfureed loo raacin waayey inta kale?  Ma waxay la tahay inay gardaduub ku qasbi karaan dadkaas 17 ka sano dawladnimada haystay? Mise waxay la tahay in FADHI ku dirir lagu heli karo dhul dhan oo dad lahaa waligood.

Puntlandes.com

About The Author