Madaxweyne Biden oo saxiixay in ciidamada Mareykanka lagu celiyo Soomaaliya


16 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Ciidamada Mareykanka ayaa laga soo qaadi doonaa qeybo kale oo ka mid ah Afrika si ay tababaro iyo taageero u siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, oo loo arko ururka ugu weyn uguna hodansan ee xiriirka la leh Al-Qacida.

Go’aankan ayaa looga dan leeyahay “in lagu kordhiyo badqabka iyo wax ku oolnimada ciidamadeena, loona suurta-geliyo inay taageero wax ku ool ah siiyaan saaxibadeena,” waxaa sidaas tiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka Adrienne Watson oo ku dhowaaqday go’aankan.

Tirada guud ee ciidamada Mereykanka ee Soomaaliya ayaa noqon doonta “ku dhowaad 500” loomana dirayo inay ka qeyb-galaan dagaal toos ah, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Biden oo codsaday inaan la magacaabin.

Taa beddelkeeda, ciidamada waxay la shaqeyn doonaan ciidamada Soomaaliya si ay u sugaan amniga shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka iyo hay’adda USAID ee Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaalka.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Janaayo 2021, maalmo kahor inta aanu ka tegin xafiiska, wuxuu Soomaaliya kasoo saaray 700 oo askar Mareykan ah, taasi oo qeyb ka aheyd siyaasad guud oo uu dalka ugu soo celinayey ciidamada Mareykanka ee dibedda ku maqan.

Hase yeeshee, hoggaamiyayaasha militariga ayaa sheegay in taasi ay lumisay waqti, islamarkaana qaboojisay dardartii ciidamada Mareykanka ay kula dagaalamayeen Al-Shabaab.

Go’aanka Biden ayaa waxaa markii ugu horeysay shaaciyey wargeyska New York Times, oo sidoo kale sheegay in madaxweynaha uu saxiixay codsi Pentagon-ka uu ku beegsanayo tobaneeyo hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab.

VOA

About The Author