Xoghayaha Guud ee QM oo soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Somalia

16 May 2022 (Puntlandes) Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa soo dhoweeyay in doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya ay si nabad ah ku qabsoonto 15-ka May, wuxuuna u hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Federaalka Soomaaliya.

António Guterres oo soo dhaweeyay doorashada Madaxweyne Xasan SheekhWaxa uu ku bogaadiyay Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo” oo si deg deg ah u aqbalay natiijada, una muujiyay taageerada uu u muujiyay Madaxweynaha bedeli doona.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterresayaa rajo ka muujiyay in Madaxweynaha cusub uu si deg deg ah ugu dhaqaaqi doono soo dhisida Gole Wasiiro oo loo wada dhan yahay, isla markaana Dowladda cusub iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay si dhow uga wada shaqeyn doonaan sidii loo horumarin lahaa arrimaha muhiimka ah ee Qaranka iyo caqabadaha horyaala.

Stephane Dujarric, Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Guiterres ay ka go’an tahay taageerada joogtada ah ee ay Qaramada Midoobay siiso dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxana uu rajaynayaa in uu sii wado wada shaqayn dhaw oo uu la yeesho maamulka cusub si loo horumariyo qorshaha dawlad-dhisidda Soomaaliya iyo wax ka qabashada xaaladaha bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jira.

About The Author