FAALO: Maaha in laga been sheego Sharciyada Gobolka Mudug WQ Aqoonyahan Jaale Daahin

Waxaa Su’aalo Jawaab u baahan iiga dhasheen Dood ay kuwada jireen 3 Masuul, waxaan isweydiiyay Masharcigaan la aqoon mise danakalaa jirah bal aan eegno inagoo ku hormarayna Qaabkii Doodu udhacday.

Waxaan Dhegaystay Barnaamijka Doda Gaaban ee VOA ka baxa Waxaa Marti ku Ahaa 3 Masuul oo kala ah Ex Wasiir ahna hadda Xildhibaan Abdirihmaan Xoosh Jibriil, Afayeenkii hore ee Xukumadii Shariif Eng Abdirihmaan Cumar Yiriisow, iyo Marwo Caasho Geele Diiriye Hogoodimyihii hore ee Guddiga Tastuurka .

Haddaba Dooda oo Xiisa badan Xambaarsanayd una Badnayd Meel Marinta Gobolka Mudug way ku kala duwanaayeen Qaabka ay u dhigayeen Jawaabta Su’aalaha laweydiinayay waxaase layaab ah in Arin Sharciyad ah sikale looga Jawaabo Tusaale ahaan Marwo Caasho waxaa laweydiiyay Sharciyadda Tastuurku ka Qabo Gobolka Mudug maadama uu kala Qaybsanyahay, Marwo Caasho waxay ku jawaabtay anigu waxaan jeclaanlahaa in Mudug Siday hadda tahay loo daayo oo Koonfurtu Raacdo Galgaduud inta Somali isga imaanayso.

Haddaba Su’aashu waa sharci mana aha sidaas ayaan jeclahay Su’aashaas Jawaabteedu waxaytahay, Tastuurka waxa ku Qoran Laba Gobol iyo Ka badan marka laleeyahay ka badan micneheedu waxuu noqonkaraa Gobol Barkiis uguyaraanna Haldagmo, Sidaas Darteed Tastuurku Gobolka Mudug waxuu Kaqabaa in Qaybi Raaci kadho  Gobol ka Galgaduud isla mar ahaantaasna loo Raadiyo Gobolkale oo lagu buuxiyo si uu Tastuurka u waafaqo Halka Qaybta kale ee Mudug ay Puntland ka Tirsanaato, Arintu waa Sharciyad ee maaha Sidaas ayaan jeclahay Taasi Waxay Cadaynaysaa in Marwo Caasho Geele aysan Fahansanayn Tastuurka ay Guddiga Madaxda uga ahayd sidoo kalena 4 Million oo Reer Puntland ah ay masuul uga ahayd, waxay kaloo markhaanti u tahay in Caasho Is Casilaadeeda ay ka mid ahayd Jaah wareer badan oo kaga yimi Fahmidda Tastuurka.

Caasho waxaa lagu Dhextuuray 4 Abuukaate oo aysan la jaan Qaadikarin isla mar ahaantaasna Qodobada ay waxka badalka ku samaynayaan uyeelikar Fasiraad aysan Fahmikarin Marwo Caasho, maxaayeelay Waa Sharciyaqaano Qodobka u dhigikara Fasiraadkale oo Qofka Caadiga ah Si Caadiya ula muuqata.

Xildhibaan Xoosh ayaa isagu Qabay in Gobolka Mudug Halmeel un laraaciyo waxuuse Xildhibaanku Ka leex leexday Su’aala badan oo Wariyihu waydiisay inkastoo uu Garanayay Sharciyadda Saxda ah haddana waxuu ahaa Nin isdiinsiinaya ayna Cadayd in Xildhibaanku Taageersanaa in Gobolku Meel Wada Raaco Meeshaas oo Dadku wada fahmikareen.

Eng Yariisow Mahelin Fursado Badan oo Wariyuhu Siiyay oo Dooda waxaa kala Qaybsanayay Xildhibaan Xoosh iyo Marwo Caasho hase ahaatee waxuu Arintoo Dhan Sal uga dhigay Dhibaata ka jidha Tastuurka oo aan Waxbadan kala Qiixayn mana uusan Galin Arinta Gobolka Mudug.

Xaqiiqo Ahaan Gobolka Mudug oo Sharciyadiisu Qiixantahay maaha in Madaxda Puntland iska indha tirto Ayna  jabiyaan Tastuurka Puntland oo 17 Sano jirsaday, Arinta  Gobolka Mudug ka weyn istuurtuur Siyaasadeed iyo Danagaar ah kumasii soconkadho Sida Xaalku yahay Xaqiiqadu waxaan kusoo Gunaanadayaa  Waxii Sharici ah waxay leeyihiin Hab looraaco Waxii Xoog ahna Xiniinyaa kayaal

2046

W/Q AQOONYAHAN:  JAALE DAAHIR

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author