Al-shabaab oo sheegtey inay ka dambaysay dilkii Xildhibaan Siciid Nuur

42

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka dambaysay dilka xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo ahaa mudane ka tiran Baarlamaanka Puntland xalayna lagu toogtey magaalada Gaalkacayo xilli uu kasoo baxayey masjidka Abu Hureyra ee ku yaalla xaafadda Israac.

Qoraal ay soo saartay Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in iyagu ka dambeeyeen dilka xildhibaankaas oo sida Al-shabaab sheegtay kamid ahaa la taliyeyaasha gaarka ah ee Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

“mujaahidiinta ayaa ka takhalusay xildhibaan ka tirsanaa maamulka Puntland waana sii wadi doonnaa beegsiga mas’uuliyiinta ka tirsan Puntland…” sidaas ayaa qoraalka lagu yiri.

Waa xildhibaankii labaad oo ka tirsan Barlamanka Puntland ee muddo bil gudaheed ah Al-shabaab ay dileen Bishii lasoo dhaafey ee April 18-keedii, ayey kooxda Al-shabaab ku dileen magaalada Muqdisho Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo isna ka tirsanaa barlamaanka Puntland.

Puntand ayaa tan iyo intuu madaxtinimada la wareegay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxaa soo foodsaartay dayac iyo Amnixumo iyadoo loo eedaynayo Jilicsanaanta madaxweyne Gaas.

Puntlandes.com

 

About The Author