Rooble oo shaqa joojin ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda

24 May 2022 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqa joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibadda Cabdisaciid Muuse Cali, maalin kadib markii uu xilka wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ka soo baxay Rooble ayaa lagu cadeeyay inuu go’aankaan la xiriiro warqad wasaaradda Arrimaha dibadda ay ku fasaxday Markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka Cumaan.

Ra’iisul wasaare Rooble oo baabi’iyay warqada lagu fasaxay markabkaas ayaa dhinaca kale ku amray hanti-dhowrka Qaranka iyo Wasiirka Amniga iney baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan wasiirka oo ay u gudbiyaan hay’adaha garsoorka si talaabo sharci ag looga qaado.

About The Author