Daawo Muuqaal: Xasan Sheekh oo Xil hoose u magacaabay C/Raxmaan C/Shakuur Warsame oo ku waayey…

24 May 2022 (Puntlandes) Madaxwayaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hogaamiyaha xisbiga Wadajir u magacaabay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakur ayaa Ka mid ahaa musharaxinti u tartameysay xilka madaxweynanimada Soomaaliya ee doorashadiisa lagu qabtay teendhada Afisyooni 15-kii bishan May, iyadoo ay dartiis tartanka uga hareen laba musharax oo ay isku beel ahaayee wuxuuna ku haray wareega 1aad isagoo helay 15 cod oo kaliya.

Dhanka kale Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ayaa u muuqda inuu maanta lumiyey kursiga xildhibaanimo, marka la eego qodob ka mid ah dastuurka federaalka oo oranaya inuusan Xildhibaanku qaban karin xil aan wasiir ahayn.

Dastuurka kumeel gaarka ah ee uu leeyahay dalka, gaar ahaan qodobka 59-aad oo dhigaya in xubinimada baarlamaanka lagu lumin karo haddii uu xildihaanka aqbalo xil dowladeed oo aan wasiir aheyn.

C/raxmaan C/shakuur ayaa kamid ahaa mucaaradka ugu weyn ee madaxweynihii hore Farmaajo, isagoo shantii sano ee la soo dhaafay soo bandhigi jiray dhaliilaha dowladda ilaamaa uu gaaray inuu magacyo u bixiyay kooxaha baraha bulshada ka taageera dowladda oo uu ugu yeeray magaca “CBB” uu ula jeeday Cayayaanka Baraha Bulshadan, dad badan ayaa rumeysan iney arintan xal u tahay inuu Xasan Sheekh dhaliill kala kulmo Ina Warsame.

About The Author