Somaliland oo la dhaariyey Guddiga Diiwaangelinta Ururrada & Axsaabta

25 May 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta dhaariyey Xubnaha Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood.

Madaxweynaha Muuse Biixi oo goobjoog ka ahaa dhaarinta ayaa Guddiga kula dardaarmay inay waajibka saaran gutaan, shaqadoodana si hufan u bilaabaan, isaga oo Eebbe uga baryey inuu u fududeeyey shaqada baaxadda leh ee qaranku u igmaday.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha maanta la dhaariyey xusay inay yihiin aqlabiyadii xubnaha guddidaas, shaqada loo igmadayna ay sidaas ku gudan karaan, maaddaama oo ay aqlabiyaddii yihiin, isaga oo ku adkeeyey inay hawshooda hore ka bilaabaan, si meesha looga saaro culaysyada la xidhiidha bilaabidda doorashooyinka.

Kulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

About The Author