Madaxa Hay’ada Qaramada Midoobay Arrimaha Bini Aadanimada Soomaaliya oo ka Deyriyay Xaalada Amaan ee Puntland

Madaxdaha Xafiiska Qaramada Midoobay Arrimaha Bini Aadanimada Philippe Lazzarini Oo Xalay Warbixin siinayay Xarunta Golaha Amaanka ee New York. Warbixinta uu Soo bandhigey Mr Lessorani ee Xaalada Guud ee Somalia ayaa ka warameysay. Waxuu sii Toos Ah uuga Hadley Xaalada Amaan Xumo ee Puntland Isagoo yiri, (  “Sida cad waxii ka dhacay Garowe sadex todobaad ka hor waxay muujinayaan inaanay suuragal aheyn in Puntland loo arko meel khatartu mid hoose ama dhex dhexaad aytahay, waxaan ka hadalnay khatarta Alshabaab oo aadey dhinaca waqooyi ee dalka, marka la’eego cadaadiska ururka laga saaray koonfurta iyo Bartamaha Dalka.

Waxay noqotay xaqiiqo jirta mustaqbalkana hayadaha Horumarinta arimaha Bani’aadanimada Puntland waxay uga shaqeyn doonaan iyadoo loo eegayo meel khatar teedu sareyso”.

Ergayga Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya
Philippe Lazzarini , ayaa hadalkam ku yiri Shirjaraa’id oo uu ku qabtay New York.)

 Hadalkan ayaa laga Qiyaas qaadan karaa Rajo-xumida Soo Wajahday Shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Puntland ku sugan Iyadoo hada ey muuqato Wal-walka kusoo kordhay Hayadaha Qaramada Midoobay ee Puntland ku sugan. Waxaan shaki ku Jirin Amaan xumida lasoo darstay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland Iyadoo Madaxweynihii Dalka loo doortay Abdiwali Gaas uu Dalka kaga Maqan yahay Tamashleyn Iyo safaro aan qiimo u lahayn shacabka Puntland.
Waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay Kalsoonidii Shacabku u Qabeen Madaxweynaha Puntland Abdiwali Tamshle Iyo Xukuumadiisa Xaflad joog oo aan tayada lahayn.
Hoos ka dhageysta Hadalka Philp Lasarooni oo ka hadlaya Amaanka Puntland


Puntlandes.com

About The Author