Dhageyso: Xildhibaano walaac ka muujiyay ammaanka Puntland

44

Xildhibaan Cabdicasiis Siciid Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ugu baaqay inay Xaalada Amniga wax laga bedelo sida hada wax u socdaana aysan wanaagsanayd.

Xildhibaan Gacameey ayaa sheegay inuusan jeclayn Shacabka Puntland inay ku noolaadaan welwel sidaasi darteedna loo baahan yahay is-badal deg deg ah oo muuqda oo dhanka ammaanka lagu sameeyo.

”Xukuamdda uu hormuudka u yahay Prof.Cabdiwali Gaas, Amniga Puntland maanta waa loo jeedaa, waxaan ku boorinayaa una sheegayaa in xaaladda Amniga wax laga qabto oo wax laga badalo, siday hadda wax ku socdaan ma filayo in lagu daawan karo, ma jecli dadka Puntland inay cabsi ku noolaadaan”.

Inkastoo uusan faah faahin halka ay wax ka qaldan yihiin, haddana hadalka Xildhibaankan ayaa kusoo aadaya xilli magalada Gaalkacyo xalay lagu dilay Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur oo saaka lagu aasay isla magaaladaas.

Kooxda Al-Shabab ayaa sheegatay inay ka dambaysay dilka Xildhibaanka iyadoo joogtaysay weeraro ay maalin iyo habenba ku qaado Kooxdu Xarunta Ganacsiga ee Puntland Bosaso dilal iyo qaraxyo badana ka gaysatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dib intuu xukunka la wareegay madaxweyne Gaas.

Waxay kaloo Kooxda Al Shabaab Qarax ay ku laysay Shaqaale UN ah ka gaysatay Caasimada Puntland ee Garowe iyadoo ilaa iyo iminka aan wax war ah laga soo saarin baaritaanka Qraxaas.

Isku soo wada duuboo waxay u muuqataa in Amnigii Puntland uu faraha ka baxa ytan iyo intii uu la wareegay madaxtinimada Puntland madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas!!

Dhagayso hadalka Xildhibaanada Puntland


Puntlandes.com

About The Author