Maxamed Kaahin “Mucaaradka kamaan aqbalin warqadii ay mudaharaadka ku codsanayeen ….”

28 May 2022 (Puntlandes) Wasiir Kaahin Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in aanu aqbalin warqaddii maanta Mucaaradku u gudbiyay, halkaan ka akhriso codsiga mucaaradka.

Wasiirka ayaa waxa uu ka codsaday guddoomiyeyaasha Mucaaradka in ay u yimaadaan si ay uga wadahadlaan bannaan-baxa ay doonayaan.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa yri “Mucaaradka kamaan aqbalin warqadii ay mudaharaadka ku codsanayeen ….”

Wasiirka ayaa sheegay in bannaan-baxa xeer jideeyay balse loo baahan yahay in si mas’uulliyadi ku jirto looga wadahadlo.

About The Author