Muuqaal: Culimada Somaliland oo bayaan ka soo saaray khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland

28 May 2022 (Puntlandes) Culimada Somaliland ayaa bayaan ka sooo saaray khilaafka Siyaasadeed ee ka taagan Somaliland.

Hoos ka akhriso ama ka daawo baaqa Culumada

1. Waxa aannu bulshada Soomaaliland madax iyo shacabba ugu baaqaynnaa in ay si wadar ah oo guud iyo si gaargaar ah ba u toobad keenaan oo Alle u soo noqdaan si Alle – korreeye – uu culaysyadan iyo dhibaatooyinka jira ee abaaraha ah, sicir bararka ah, xanuunnada ah iyo khilaafkaba inooga dulqaado.

2. Waxa aannu Madaxda dalka muxaafid iyo mucaaradba ugu baaqaynaa in ay danta guud ee bulshada dhawraan, maslaxadda guudna u tudhaan oo muranka siyaasadeed qaboojiyaan, suulinta khilaafka iyo yareyntiisana ka shaqeeyaan, si heshiis iyo wax la isla oggolyahay loo gaadho si nabad ah.

3. Waxa aannu madaxweynaha si gaar ah ugu baaqaynnaa in uu masuuliyaddiisa odaynnimo muujiyo oo khilaafka jira ku soo afjaro dulqaad iyo tanaasul, isaga oo ku camal falaya xadiiska Nebiga –scw- ( ‏ ما من عبد ترك شيئاً لله إلا أبدله الله به ما هو خير منه من حيث لا يحتسب

4. Waxa aannu madaxda mucaaridka ugu baaqaynnaa in ay kicinta bulshada joojiyaan samatalisnimada iyo dulqaadkana fursad siiyaan, si nabad ahna rabitaankooda ku raadsaan, oo aanay xaaladdan xakiran uga sii darin.

5. Shacabka waxa aannu ku waaninaynaa nabadgelyadaa ina wada deeqdee aynnu si wadajir ah u wada ilaashanno, ogaadana in aanay cidina colaadda iyo rabshadaha ku faa’iidaynnin, belaayadu marka hore way qurux badantahay, marka ay dhacdana way foolxumaataa, inta aanay dhicin aynnu ka wada hortagno.

6. Waxa aannu si gaar ah ugu naseexaynaynaa qurba joogta in ay bulshadan tabaalaysan u tudhaan oo aanay qabyaalad iyo isku dir ka shaqeynnin, taa beddelkeedana dadaalkooda geliyaan sidii ummaddan wadajirkeeda iyo walaaltinnamadeeda loo xoojin lahaa, waxaannu ku boorrinaynnaa in ay xasilloonida iyo is fahamka bulshada ka qayb qaataan oo aanay kala fogeyntooda ku lugyeelannin.

7. Warbaahinta waxa aannu xasuusinaynnaa in ay ku dadaalaan in ay faafiyaan wixii bulshadan walaaltinnimadeeda iyo isu soo dhowaanteeda xoojinaya, oo aanay wixii sii kala qaybinaya soo gudbinnin, qaybna ka noqonnin isku dirkeeda.

8. Culimadu waxa ay caddeynayaan in ay ka shaqeyn doonaan xallinta khilaafka taagan iyo isu soo dhoweynta xisbiyada iyo xukuumadda, iyaga oo kaashanaya, madaxdhaqameedka, ganacsatada iyo dhammaan waxgaradka kale ee daneynaya in ay hawshan ka qayb qaataan.

9. Waxa aannu culimo ahaan codsanaynnaa mar haddii wixii qorraa lagu heshiin kari waayey in dhexdhexaadintayada la aqbalo, annaga oo khilaafka ku xallin doonna sida sharciga Alle nooga muuqata, maslaxadda guudna danta u ah.

10. Ugu danbeyn waxa aannu Ilaahay ka baryeynnaa in uu abaarta roob iyo barwaaqo inoogu beddelo, cudurrada, sicir bararka iyo khilaafka oo dhan innaga dulqaado, nabadgelyada inoo xoojiyo, isfahanka iyo isu dulqaadashadana ina waafajiyo.

Magacyada Culimada:

1. Sh. Maxamed Cali Geeddi

2. Sh. Cabdiraxmaan Axmed Awcabdi

3. Sh. Maxamed Aadan Muxumed

4. Sh. Cismaan Cali Xuseen

5. Sh. Maxamed Cali Jaamac (Gadhle)

6. Sh. Maxamed Madar

7. Sh. Yaasiin Ibraahim Cabdiraxmaan

8. Sh. Cabdilaahi Makaawi

9. Sh. Maxamed. Cabdiraxmaan (Deeq)

10. Dr. Cabdiqani Xuseen Maxamed

11. Dr. Khadar Xasan Axmed

12. Dr. Cabdirahmaan Ismaaciil (Khayre)

13. Sh. Maxamed Cabdi Carab

14. Sh. Daahir Aadan

15. Sh. Ibraahim Axmed Xirsi

16. Sh. Maxamed Ibraahim Jaamac

17. Sh. Cabdilaahi Maxamuud Aadan

18. Sh. Maxamed Daahir

19. Sh. Yaasiin Macalin Xuseen

20. Sh. Mubaarak Muuse.

21. Sh. Cabdiraxmaan Cumar Cigaal

22. Sh. Cabdiraxmaan Aadan Cige

23. Sh. Maxamed Haybe

24. Sheekh maxamed axmed food

About The Author