Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay salaadda janaasada marxuum C/laahi MaxamedSshirwac

29 May 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka uga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Marxuumku uu ahaa Samafale si mutadawacnimo leh ugu soo adeegay dadkiisa iyo dalkiisa, isagoo xusay in uu door weyn ka soo qaatay nabadeynta bulshada, midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Shirwac, waxa uu ahaa Muwaadin waqtigiisa u huray xoojinta dowladnimada, nabadeynta iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii ku bixiyey horumarinta arrimaha bulshada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

About The Author