Taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad oo Si xilka la wareegay

29 May 2022 (Puntlandes) Taliyaha cusub ee hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA Mahad Maxamed Salaad la wareegay xilka kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta hay’ada.

Munaasabada waxaa ka qeyb galay ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta,sii hayayaasha wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga,taliyayaasha ciidamada booliska iyo Milatariga iyo mas’uuliyiin kale.

Taliyihii hore ee NISA Xildhibaan Yaasiin Fareey ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay taliyaja cusub ee NISA Mahad Salaad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu todobaadkii hore xilkaasi u soo magaaabay.

La wareegitaanka xilka hay’ada NISA ee Mahad Salaad ayaa ka dhigan inuu waayay kursiga xildhibaan, waxaana la filayaa in booskiisa la soo buuxiyo.

Mahad Salaad oo kamida saaxiibada ugu dhow ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu isbedel deg deg ah ku sameeyo hay’ada, iyadoo saraakiisha hay’adaasi la sheegay iney aad ugu dhawaayeen sanadihii la soo dhaafay taliyihii hore Fahad Yaasiin, lama oga inuu taliyaha cusub ku milmo doono arrimaha siyaasada ama uu u masax banaanaan doono shqqadiisa.

About The Author