Somaliland oo mabnuucday banaanbax

29 May 2022 (Puntlandes) Qoraal ka soo  baxay xafiiska wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa lagu mabnuucay inay Somaliland ka dhacaan banaanbaxyada ay ku baaqee  xisbiyada mucaaradka.

Qoraalka wasiirka ayaa lagu yiri ”iyadoo la eegaayo Danta Guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga, waxaan go’aansaday in aanan oggolaanin Mudaharaad, cidii isku dayda Abaabul iyo samayn Mudaharaad aan Sharciga waafaqsanayn haysana warqad oggolaanshiyo ah waxay burburinayaan Nabadgelyada Soomaaliland waxaaney ka soo horjeedaan Sharciga Soomaaliland, si loo hubiyo loona sugo xaalada Nabadgelyada, waxaa la idin faryaa in Mudaharaad aan sharci ahayn uu yahay Sharci daro, Nabadgelyadana lagu waxyeelaynayo”

Wasiirka ayaa faray Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Gudoomiyayaasha Gobollada:

1. in Talaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay samayso Mudaharaad aan Sharci ahayn.

2. In ay xoojiyaan Nabadgelyadda Guud ahaan Dalka gaar ahaan Magaalooyinka.

Ugu dambayna qoraalka ayuu wasiirku ku yiri ”Gudoomiyayaasha Gobollada Dalka, iyagoo kaashanaya Guddiga Nabadgelyada Gobollada, Taliyayaasha Ciidamada Booliiska in ay Talaabo Sharci ah ka qaadaan cid kasta oo isku dayda Mudahaad aan Sharci ahayn oo aan oggolaansho lahayn”

Hoos ka akhriso oraalka wasiirka

About The Author