Nick Kay oo sheegey in AMISOM la geeynayo Puntland

Ergeyga u qaabilsan arrimaha Somalia Qaramada Midoobey oo 8 dii may 2015  wareysi siiyey wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegey in baalarinayo  dhulka ay joogaan ciidamada AMISOM.

” UN-AU waxay dhowaan dhameys tireen dib u eegis lagu sameeyey AMISOM iyo ciidamada Somalia, waxayna aqoonsadeen in dhulka Puntland yahay mid wel-wel badan laga muujiyey xaaladiisa amni.” sidaas waxaa yiri Nick Kay oo la hadley Reuters.

Amb. Key ayaa sheegey in la balaariyo dhulka ay ka howlgalaan ciidamada AMISOM gaar ahaan Puntland waa arin howsheeda lagu guddo jiro balse waxaa uu ka gaabsadey inuu sheego waqtiga ay dhaceyso.

Key ayaa dhinaca kale xusey in Puntland ay waayadaan aad ugu soo dhowaaneysay dowlada Muqdishu ay dhowaan ogaalaatey in 3000 kamid ah ciidamadeeda lagu daro ciidamada qaranka Somalia.

Hadalka kasoo yeeray ergeyga qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa waxaa uu wel-wel badan ku abuurey shacabka reer Puntland kuwasoo 16 sano ee maamulkoodu jirey arkayey in ciidamadooda amniga dalka ku filan yihiin.

“ciidamada AMISOM way ka gaysan karaan gacan tababarka iyo dhismaha ciidamada amniga ee Puntland lakiin suurtagal ma aha in xarumo ka sameystaan degaanada Puntland, AMISOM waxba kama qabato dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho, marka ma arko sabab ay ku baajin karaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waaweyn ee Puntland”sidaas waxaa Warbaahinta u sheegey xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo diidey magaciisa la xuso.

Dhinaca kale Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa rajo xumo ka muujiyey in shacabka Somalia toos u dooran doonaan madaxdooda marka la gaaro 2016 isaga oo sheegey inuu jiro dib u dhac balaaran. “Waxaa dhici karta in la balaaryo dadka dooranaya madaxweynaha kuwaasoo ka koobnaan kara madax dhaqameedyada, dumarka, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kale ee bulshada, Somalida ayey jirtaa nidaamka ay qaadanayaan.” ayuu yiri NIc Kay isaga oo ka hadlaya qaababka suurtagalka ah marka la gaaro 2016.

Waa taa meesha uu PUNTLAND gaarsiiyey madaxweyne Gaas. Waa taas horumarkii uu sheegi jiray oo noqday in Ciidamada Culusow iyo AMISOM naloo soo wado. Goorma ayey kacayaan shacabka reer Puntland ee aadba moodid in aysan qusayn waxa ka dhacaya dalkooda? Ma waxay ogolaanayaan in AMISOM iyo Mooryaanta Culusoow uu Gaas u keeno?

Halkan ka akhriso waraysigii Amb Key oo af-Ingiriis ku qoran

Puntlandes.com

About The Author