Sawiro: Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Camey oo la kulmay Golaha Degaanka magaalada Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland, kadib safar shaqo oo maalmo kooban qaatay oo uu ku joogay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Camey ayaa inta uu san ka soo ambabixin magaalada Gaalkacyo la kulmay Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo, waxaana uu kala hadlay sidii ay dhankooda qeyb uga qaadan lahaayeen xaqiijinta amaanka iyo xasiloonada Gobolka Mudug.

Kulamada ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweyne Camey Guddomiyaha Gobolka Mudug Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg oo baln qaaday in uu gacan bir ah ku qaban doono Amniga Gobolka waxna ka bedeli doono habacsanaantii xaga maamulka ee ka jirtay Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.

Madaxweyne Camey ayaa ilaa iyo shalay wuxuu la lahaa kulamo xiriir ah Masuuliyiinta Gobolka Mudug iyo Golaha deegaanka degmada Gaalkacyo isagoo kala hadlayey sidii wax looga bedelilahaa habka  ay ku shaqayn jireen Maamulka Gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo, waxgarad , isimo iyo qeybaha kale duwan ee ku dhaqan Gobolka Mudug, dhammaan kulamadaasina waxaa ay ku soo dhammaadeen is afgarad.

Daawo sawiro

 

IMG_2091 IMG_2095 IMG_2097 IMG_2098 IMG_2101 IMG_2103 IMG_2107 IMG_2108 IMG_2110 IMG_2111 IMG_2116 IMG_2117 IMG_2124 IMG_2129 IMG_2133 IMG_2135 IMG_2139 IMG_2142 IMG_2145 IMG_2146 IMG_2157 IMG_2160

Puntlandes.com

 

About The Author