Dhegeyso: Maxamed Cabdulqaadir Cali Cigaal ”waxaan rabaa in aan Baaq u diro Isimada Gobalka Iyo Bulshada Gobalka Mudug”

 

 

Maxamed Cabdulqaaadir Cali Cigaal oo kamid ah dhalinyarada firfircoon Gobalka Mudug oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ka tacsiyeeyey Geerida ku timid AUN Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur oo kamid ahaa baarlamaanka Puntland laguna dilay magaalada Gaalkacyo 8 dii maajo 2015.

Cigaal ayaa uga tacsiyeeyey eheladii iyo qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland ee uu ka geeriyooday xildhibaan siciid waxaana uu xildhibaanka alle  uga baryey in uu janadiisa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Cigaal ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada ku dhaqan Gobalka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo in ay u istaagaan oo ay u midoobaan sidii ay isaga dhicin lahaayeen cadowga Naxariista daran ee gumaadaya dadka hal doorka u ah bulshada layskana difaaco kuwa doonaya in ay in ay baabi’iyaan jritaankooda.

Ugu dambayntii Cigaal ayaa waxaa uu Baaq u soo jeediyey Isimada Gobalka in ay ku baraarujiyaan bulshada in u istaagto sidii laysaga kaashan lahaa oo meel looga soo wada jeesan lahaa Cadowgaas.

Baaqa Cigaal ayaa ku soo beegmaya xili habayniamadii Sabtidu soo galaysay ee bishu ay ahayd 8 da maajo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo xildhibaan Siciid Xuseen Nuur Dirir oo kamid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo koox hubaysan ay toogatay xili uu ka soo baxay Salaada Maqrib.

Hoos ka dhegeyso Cigaal


Puntlandes.com

About The Author