Waxaad kala socotaa Ujeedkii Shirkii Garowe Dawlada Federalka iyo Maamullada?

Shirkii Garowe ee u dhexayay Dawladda Federaalka iyo Maamullada waxaa ujeedkiisu ahaa hal qodob oo kaliya kaas oo uu Xasan Sheikh Doonayay inuu u fulo Xasan oo sida uu doonayay wax ugu meel mareen ayaa intii shirka lagu dhexjiray diiday in Waxa Kasoo baxa Shirkaas loo Aqoonsado Heshiis taas badalkeedana lagu magacaabo is Afgarad ama warmurtiyeed isaga oo doonaya inuu Hadhowtoba Qiil u helo jabinta Waxii lagaaray Qodobada uu u Arko inaysan muhiim u ahayn ama Waxyeelaynkaraan.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa kaliya ee uu rabay waxay ahayd in imaatinka Xog hayaha arimaha Dibadda Maraykanka John Kerry u tuso inuu yahay Aabaha 3da Maamul ee hadda sida Rasmiga ah u jira isla markaasna Go’aanka iyo Talada Dalka Somalia isaga un waxlaga weydiinkaro iyadoo aan Cidkale waxlooga baahan uuna Sawir wada jira ku tuso Sida ay u Taageersanyihiin.

Xasan Sheikh oo Arintii hore u meelmartay Waxii Shirka kasoo baxayna laga dhigay Is Afgarad ayaa Talaabadii labaad waxaa lagaaray 5-5-2015, waa maalinta John Kerry Ballantiisa Muqdisho ahayd Dhanka kale Maalnikaas M Gaas waxuu ku Qoranyahay FLY-ga Roma waa Talyaaniga oo uu Casumaad ku lahaa Tigidkuna u Go’naa, waxii soo dhacayba waa Telkii Madaxweyne Xasan Sheikh Waxuu usheegay Madaxweyne Gaas inuu Muqdisho yimaado si uu uga Qaybnoqdo Fursadda John Kerry M Gaas Dabeecadiisa Baarinimo ee aan diidmadaba Aqoon waxay ku dhalisay inuu Boorsadiisa Muqdisho u Qaato Madaxwyne Xasan oo Si Gaar ah markii hore ula kulmay John Kerry ugana wada hadleen  Arima Somaliya waxay markii dame Shirguud oo uu Ergaygu Fekerka ay ka Qabaan Xaalka Somalia layeeshay Madaxdii Maamulada iyo Madaxweyne Xasan oo wada jirah.

Muhiimadda Shirku waxay ahayd Madaxweyne Xasan iyo John Kerry Halka Madaxada Maamulada Fursadooda ugu weyn ahayd Salaanta John Kerry iyo Kaamirada Wadajirka u Qabatay, Madaxweyne Gaas Marka loo eego Maqaamkii Puntland iyo Kaalinteedii Siyaasadeed ee Somalia iyo Afiricaba ay ku lahayd waxuu John Kerry   oo ay kasoo wada duuleen Nairobi kula kulmikaray Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Nairobi, Farsamada, iyo protocol Siyaasadda Arimaha Dibadda oo ka xumaatay awgeed uma suurta galin inuu Madaxweyne Gaas lakulmoJohn Kerry inta ay wada joogeen Nairobi.

Cayaarta iyo Shaxda marhore soo bilaabatay oo Madaxweyne Xasan sheikh Muqdisho intuusan ka imaan Soodegsaday waxay ahayd mid ka maqan M Gaas oo waxuuba samaynkaray Labo arin in uu Shirkii Garowe Ka dhigo mid uusan ka tanaasulin in lagu Qoro Waxa kasoo baxay inuu yahay Heshiis
Rasmi ah si uu Wakhtigeeda ugu xisaabtamo uuna yeesho Tixraac loo Noqonkaro Arinta labaad ayaa ahayd in uu ka baaqsado Shirkii Muqdisho iyo Lakulanka Kerry oo Noqonkadhay in Awood Siyaasadeed oo Xoogbadan madasha kulanka ka maqantayah taasina ay Noqonkadhay in Puntland si Maqaamsare ah loo Qaabilo.

Madaxweyne Xasan oo Labada Fursadoodba Siduu Rabay ugu Dhaceen waxuu Kulankii Kerry kadib Goor horeba iska Xaadiriyay TV-ga Qaranka oo uu marti ku ahaa waxuuna Su’aalihii Wariyaha Qaybta Horeba kaga Darsaday inaan Wax Heshiis ah oo Garowe lagu gaarayba uusan jirin ee Arrintu Ahayd Ogaanshaha Fekerka Maamullada  ee Talada iyo Arimaha Masiiriga ah ay leedahay Dawladda Federalka Arintaas oo Subaxnimadiiba Jornaalada Muqdisho Boggooda Hore kusoo baxday.

Puntland waxay maanta Taagan tahay inaysan Xarig Xiri karin Mid Xiranna Furikarin Muuqaalkeeda Siyaasadeedna waa mid la mida Maamullada Koonfurgalbeed iyo Jubaland oo Qaybtood wax Sanad kayar jiraan.

Halhayskii Ololaha Doorashada ee Gaas: Puntland waxay u baahantahay Qof la hadlikara Ban Ki-moon iyo Erdoğan waa Odaga Quruumaha Midoobay iyo Madaxweynaha Tukiga oo waagaas ahaa Raisal Wasaaraha wadankaas.

Puntlandes.com

About The Author