Culusow Dastuur Raamsi ma daayo, Gaas-na Dhaban jeedis ma dhaafo!!!

Waxaan wax badan iswediiyey, maxaa ka qaldan maamulka Puntland tan iyo markii ay go’aansadeen inay Puntland u yagleelaan sidii Soomaali la isugu soo dumo lahaa. Anoo qaba inay taasi ahayd Nobel Idea, baa waxaan arkaa in aynaan Soomaalida wax badan ka baran balse aan hal bacaad ku liseeno. La yaab ma leh, UN-ka baa horey daraasaad uu sameeyey ku sheegay in Soomaalida 3dii qof midi waalan yahay balse waxaa horey u sheegay in runtii ay 3dii labo ka mid ah ay wax ka shanqarayaan. Dabcan, markaan saas lee yahay dadka PL-na kama marna ileen PL waa qeyb ka mid ah Soomaaliyee. Sidoo kale madaxda Soomaalida in badan oo ka mid ahna waa u eg tahay in laga shanqarayo. Oo qaar baa laga yaabaa Jeeb buuxso inay ka shanqareyso, qaar inuu cadow shisheeye iyo mid sokeeye uu ka shanqarayo. Qaar inuu qabiilkaaga dastuurka dan uguma jirto ay ka shanqareyso, iyo qaar ay Soomaalinimo aan wadanka ool ama wacyi aan Muuq-disha ool ay ka shanqarayso.

Markay arintu saas tahay waxaan is weydiiyey sida ay labada shaqsi ee aan ciwaanka ku xusay isu dhaafsan yihiin. Xasan waa madaxweynaha qura oo laga hayo eraygan “nin wuxuu u arko Warlord ama kaabo Mooryaan waa nin kale Halyeygiis.” Asagoo difaacaya niman Soomaalida mid la heyb ah, iyo mid aan la heyb ahaynba ay faraha ka taageen. Haddii aysan taasi is baris uu iskaayo barayo aysan ahayn, garanaayo maayo waxay tahay. Haddaba, sidee madaxda reer PL uga hoos baxday Xassan ciduu yahay. Haddii madaxweyne Gaas uu soo aqristay buugaag iyo cilmi badan oo u sheegeysa inuu u fakaro sidii nebigeenii suubanaa sidii xadiith-kii oranaya midkiina mu’min maaha ilaa uu walaalkiis la jeclaado wuxuu la jecel yahay walaalkii. Amaba taariikhdii iyo falsafadihii Gandi, Mandela, iyo MLK si umadooda ay u mideeyaan caburintana uga baxaan “Turn the other cheek” maaha arin xun. Laakiin, waxaa haboon inuu isweydiiyo Culusow ma yahay mid danta guud eega oo garanayaa  sababta aad dhabanka kale u siineyso. Waxaa cad in madaxweyne Gaas uu ka tanaasulay dastuurkii, maxaa yeelay, hortiisa ayuu Culusow ku qiray inuu dastuurka gacma-gacmeystaysto Gaas-na jawaab waafi ah kama uusan bixin. Sidaa awgeed, waxaa lagu doodi karaa inay taasi ku dhiiri gelisay Culusow inuu wiilashiisii Damul-Jadiidka ahaa ee golaha wasiirada fadhiyey “green light” ku siiyey inay Guddiyadaan soo dhisaan.

Waxaa cad in waalidu ay bulshadeena isku si u saameysay madax iyo shacab dawrkey rabaan ha ku jireene. Maxaa yeelay, Culusow hadduu fiyow yahay dastuur la raamsadaa dhafoorkeeda inuu ku yaal buu arki lahaa. Gaas-na dhaban la jeediyaa inaysan Culusow agtiisa  ka shaqeyn buu garan lahaa. Culusow waxba kama soo baran natiijadii uu ka dhaxlay Juba iyo Koonfur Galbeed, Brussels iyo New Deal. Natiijadaas oo ah in asagoo dowlad rasmi uu u xuubsiibto wax ku meel gaarkii ka itaal liitah. Sidoo kale, Mr. Gaas wuxuu garan la’yahay in dhaban jeedintiisu ay inoo dhashay, in 3dii degmo oo mudug lagula dhego si dastuurkii la bililiqeystay uu ugu xalaaloobo Culusow iyo xertiisa. Reer PL waxaa laga rabaa inay isku si u cambaareeyaan Culusow, CCC, iyo C/Weli iyo nin kastoo dastuurka gorgortan iyo tanaasul ka sameeya baalna kama mara. Waa inay isku si u cambaareeyaan CCC iyo Culusow markay Mudug iyo Galguduud ku hadaaqaan ama guddiyo qeyru dastuur ah ay soo saaraan.

 Anigoo xurmeynaaya madaxweyne Gaas, shacab ahaan waxaan lee yahay waa la soo dhaafey ii tali, aan kuu taliyo, iyo aan wada tashano,  waxaana la gaaray waqtigii la kala tashan lahaa. Mar haddii, Culusow uusan dastuur rasmsiga dhaafeyn, waxaa Gaas la gudboon inuu go’aan ka gaaro Muuq-disho iyo inta u shaqo tagtay (proactively) nagana daayo Bipolar Politics gacma daalis ah . Enough is enough. Billah Calayk.

Qoraalkii & Dareenkii: Ahmed Yusuf Ahmed

 

About The Author