Ciidanka Booliska Somaliland oo Musharax Cirro ku eedeyey eedeyn aad u culus

18 June 2022 (Puntlandes) Ciidanka Booliska Somaliland oo Warsaxafadeed soo saaray ayaa musharax Cirro ku eedeyey eedeyn aad u culus oo ah ”khiyaano Qaran”

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay in ciidanka booliska Somaliland ay musharax Cirro u jeediyeen eedeyn aad u culus taas oo xukunkeedu uu noqonaayo dil .

Isaga oo arintan ka hadlayaana waxuu yiri ” Qodobka 221aad ee Xeerka Ciqaabta Guud ma sheego khiyaamo qaran. Khiyaamo qaran waxa sheega qodobka 184aad. Sixid weeye arinkaasi iyo cashar bilaash ah.Haseyeeshee, labada qodob ba xukunkoodu waxa uu noqon kara dil”

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Ciidanka Booliska Somaliland:

Warsaxafadeed

Sida ku cad Qodobka 124 Ee dastuurka JSl iyo xeerka Booliska 63/2013 waxa Ciidanka Boolisku u xil Saaranyahay Amniga Gudaha, waxayna ilaaliyaan qof kasta oo muwaadina Hantidiisa Naf iyo Maal oo ay ka mid yihiin Madaxda Asxaabta Qaranku.

Boolisku isago gudanaaya Wajibaadkiisa sharci waxa uu madaxda Asxaabta Qarnaka la siiyay Ciidan ku filan ilaalinta Naftooda,Guryahooga iyo Xafiisyadooda, Iyadoo waliba loogu xoojiyay xubno ciidan oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ( military).

Ciidanka Boolisku waxay la socdeen mudo laga joogo laba week uu musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) uu ka soo guuray Gurigisii Hore oo ku yaalay Xaafada pebsiga Ee galbeedka Magaalada Hargeysa soona dagay Guri Cusub oo ku Yaal xaafada Hodan Hilis Ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Hadaba Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in Todobadkii u dambeeyay ay gurigaa Musharaxu Daganyahay ku soo ururiyeen dad Shicib ah oo si Sharci Daro ah u Hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay Ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana Dadka Shicibka ah, Baadhana Baabuurta Mararka Qarkoodna Ridaan Rasaas Dhamaantoodna ku labisan Direys Tuute ah.

Hadaba waxa lala socodsiinayaa ummadda Jamuuriyada Somaliland ee Nabad-galyada Jecel in ay soo kordheen arimahaas aanu kor ku soo sheegnay oo inagu cusub haday sii socotana noqonasa Dambi khiyaamo Qaran, Sida ku Cad qodobka 221 ee xeerka ciqaabta Guud.

Sidaa Darteed waxaanu uga Digaynaa musharaxa Xisbiga WADDANI iyo Cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay is

ka fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta Ciidamadii Qaranka ee amnigooda Sugaayay .

Waxaanaanu u gudbin donaa xeer ilaalinta iyo maxakamada awooda u leh arintaasi aanu kor ku soo xusnay masuuliyadeeda.

About The Author