Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay Isu-tagga Imaaraadka Carabta

19 June 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka

diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

About The Author