Sawirro-Muuqaal: Gudoomiyaha Deegaanka Garacad oo gaaray Degmada Bursaalax

19 June 2022 (Puntlandes) Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug ayaa waxaa Gaarey wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Deegaanka Garacad Maxamuud Maxamed abdille (Shoox)

Bursaalax ayaa waxaa kusoo dhweeyey Gudoomiyaha Degmada Bursalax Maxamed Saleebaan Diiriye, kuxigeenkiisa, Bashiir maxamed Guleed, Xoghaya degmada, Siciid abdinuur Maxamuud.

Gudoomiyaha Deegaanka Garacad ayaa Degmada u gaarey siduu uu ugu kuur gali lahaa xaaladda dadka iyo xoolo badan oo u soo hayaamay miyiga Degmada kasoo ka soo hayaamey miyaga Garacad.

Gudoomiyaha iyo waftigiisa ayaa tagi doona miyiga Degmada Bursaalax si ay u ogaadaan xaaladda dadkaas.

About The Author