Daawo Muuqaal: Dr Gaboose “… Dhakhatarka idinka kaxaayn kara xanuunada maanta bulshada ku jira waa hogaamiye wanaagsan oo isagu caafimaad qaba”

19 June 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Ururka Barwaaqo Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo la hadlaya qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boorame ayaa ku dheeraaday siyaasaddu muhiimada ay u leedahay bulshada.

Dr Gaboose oo ka hadlayey sababta uu siyaasadda ugu jiro iyo muhiimadda ay siyaasaddu leedahay ayaa sheegay in Dhakhtarka runta ah uu yahay hogaamiye wanaagsan.

Dr Gaboose oo ka hadlaya ayaa yiri “Dhakhtarka runta ah, Dhakhtarka wayn, Dhakhatarka idinka kaxaayn kara xanuunada maanta bulshada ku jira waa hogaamiye wanaagsan oo isagu caafimaad qaba”

Dr Gaboose oo ka hadlayey muhiimada ay leedahay in bulshadu ka qaybqaadato siyaasadda ayaa yiri “hadaad wax cabanaysaan wax aan halgan ahayn ood ku gaari kartaan ma jiro, halganku ma ahan qori, maxaa naloo ogolyahay afkiina dambe yaanay ka soo bixin, waxaad adigu leedahay seed qof kale uga baryeysaa?”

About The Author