Daawo Muuqaal: Wasiir Beyle oo beeniyey dowladiisii uu Farmaajo hogaaminayey ay lacag badan ka tagtay

20 June 2022 (Puntlandes) Wasiirka maaliyadda DFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii wasiirka ka ahaa ee uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan, isla-markaana ay buuxaan.

Bayle ayaa beeniyey wararkaasi, wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn sida uu hadalka u dhigay.

Beyle ayaa yiri “Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyadda darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Bayle ayaa sidaas yiri,”

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray “Waxaan doonayaa dadyahow Soomaaliyeed aniga kolaba inaan been sheego laygama baran waxaan jecelahay in marwalba wixii jira oo run ah oo la taaban karo inaan idinla wadaago,”.

Wasiir  Bayle ayaa xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda, isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay, wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay.

“Qasnadaheenaa buuxa anigu ma oran, mana buuxaan. ciddii tiraahdana waa mas’uuliyad darro runtiis sidaas ayaa xaqiiqadu tahay,” ayuu markale yiri wasiir Bayle.

About The Author