Sawirro: Wafdi ballaaran oo hogaaminyao Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo gaarey deegaanka Daaru-Salaam

20 June 2022 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigenka Gobalka Mudug isla markaasna aha Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Xasan Cabdulaahi Warsame ayaa gaarey deegaanka Daaru-Salaam.

Kusimuhu wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug ee Galmudug, Gudoomiyaha Degmada Bursaalax, Gudoomiyaha Degmada Xarfo, gudoomiye kuxigeenka Degmada Galdogob, Saraakiil ciidan, Gudoomiyaha deegaanka Garacad iyo Masuuliyiin kale.

Wafdiga ayaa kulan la qaatey dadka ay Abaarta soo barakicisay kuwaas oo usoo naq raacay Deegaanada Roobku ku da’ay oo ay ka mid ah Degmada Bursaalax iyo nawaaxigeeda.

Ujeedka safarka ayaa ah in loo kuur galo xaalada dadka abaaruhu saameeyeen ee deegaanka u soo hayaamay, isla markaana gurmad loogu fidiyo.

About The Author