Sawirro-Muuqaal: Shirka Amniga Gobalka Mudug ee Puntland iyo galmudug maxaa ka soo baxay?

21 June 2022 (Puntlandes) Gudoomiye kuxigeynka ahna kusimaha Guddoomiyaha Gobalka Xasan Cabdulaahi Warsame Ayaa Maanta shir-gudoomiyey shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay si wada jira uga wada so qayb galeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirka oo isbuuclaa ayaa waxaa Goob joog ahaa Gudoomiye kuxigenka Gobolka Mudug Galmudug, Gudoomiyayaasha Dagmada Gaalkacayo Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug ,Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Mudug iyo Ceyn,Taliye kuxigenka Ciidanka Nisa iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe Ee Galmudug qaar kamida taliyayaasha Boolis Labada Dhinac Ee Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxa uu kadhacey Xarunta Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Puntland waxaana Kasoobaxey qodobo muhiim ah u ah Isdhexgalka iyo Amniga Gobolka Mudug.

About The Author