Muuqaal:Maxkamada Ciidamada Puntland oo dil ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab

21 June 2022 (Puntlandes) Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab,

Afartaan ayaa ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Magacyada 4ta dilka ay maxkamaddu ku xukuntay ayaa kala ah:

1-Jaamac aadan tusbaxle

2-Ayuub Cumar shire

3-Abdulahi salaad boos

4-Maxamuud Abshir Muuse Olyo

About The Author