Sawirro: Xoola dhaqato Naq raac ah oo wali ku sii qul qulaya galbeedka gobalka Mudug

21 June 2022 (Puntlandes) Xoola dhaqato Naq raac ah ayaa wali ku sii qul qulaya galbeedka gobalka Mudug, iyagoo ka soo guuraya abaaraha ka jira dhulkii ay ku noolaayeen.

Qoysaska ayaa ka soo hayaamay gobolada Bari, Nugaal, Sanaag, Sool, Bari, Galgaduud,bariga iyo koonfurta Mudug iyo dowlad-deegaanka Soomaalida.

Guddoomiyaha deegaanka Garacad, Maxamuud Maxamed Cabdille iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Bursaalax, si uu u soo arko xaalada nololeed ee qoysaska ka hayaamay deegaanka Garacad iyo gobolada kale ee Soomaaliya.

Maxamuud Maxamed Cabdille ayaa u booqday qoysas ka soo hayaamay gobolada dalka, isagoo uga mahadceliyay maamulka iyo shacabka Bursaalax, sida wanaagsan ee ay soo dhawayeen iyo garab istaaga ay umuujiyeen walaalahooda u soo hayaamay.

Guddoomoyaha ayaa Dowladda iyo Shacabka u soo jeediyay inay caawiyaan dadka dhulka u soo hayaamay iyo kuwa soo guuri waayay ee ku sugan dhulka ay abaaraha daran ay ka jiraan.

Ugu dambayntii, Guddoomiye Shoox ayaa maamulada gobolada iyo degmooyinka ugu baaqay inay ka daba yimaadaan oo ay caawiyaan dadka soo hayaamay ee dhibaataysan.

Maamulka degmada Bursaalax iyo xoolo dhaqatada ayaa wada dadaal ay ku caawinayaan dadka, lakiin culayska ayaa ku sii kordhaya marba marka ka dambaysa, iyagoo dalbanaya garab.

About The Author