Madaxtooyada Somaliland oo Odayaasha xallinta khilaafaadka Xukuumadda iyo Mucaaradka u sheegtay inay hawsha leeyihiin Golaha Guurtida

21 June 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta qaabileye ergo Isku-xil-qaantay xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee ka jira gaar ahaan muranka hareeyey doorashada madaxtooyadda.

Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal kasoo baxay sidaan ku tiri “Ugu dambeyn, shirkaasi waxa uu ku soo dhammaaday jawi wacan, waxaana la isku af-gartay in Golaha Guurtida oo sharci ahaan Somaliland u qaabilsan xallinta khilaafku ay leeyihiin hawshan, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha”

Qoraalkaan ka soo baxay madaxtooyadda ayaa ka dhigan inuu madaxweynuhu ka biyo diidan yahay la kulanka mucaaradka iyo xalka khilaafka.

Madaxweynaha ayaa shirka waxaa ku wehelinayey:

1. Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed

3. Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Mudane Siciid Sulub Maxamed

4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud

5. La-taliyaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde

6. Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Cabdi Dheere

Dhinaca Xubnaha Guddida is-xilqaantayna waxay kala ahaayeen:

1. Suldaan Xasan Xaddi Baade

2. Suldaan Maxamed Cabdi Xasan

3. Suldaan Salmaan Axmed Maxamed

4. Suldaan Maxamed Muuse Nuur

5. Suldaan Cawil Faarax Shire

6. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed Aw Cabdi

7. Caaqil Cabdiraxmaan Maxamuud

8. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

9. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen

10. Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal

11. Caaqil Xasan Muuse Cabbaas

12. Suldaan Axmed Xasan Jaamac

13. Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre

14. Suldaan Maxamuud Guuleed Mirre

15. Suldaan Cismaan Baane

16. Suldaan Axmed Daahir Muuse

17. Suldaan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawad

18. Suldaan Ismaaciil sheekh Cumar Xasan

19. Suldaan Axmed Aw Cali

20. Suldaan Cali Jaamac Galaal

21. Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale

22. Suldaan Cabdillaahi Maxamuud

23. Jiif Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Ciise

24. Suldaan Abshir Maxamed Ducaale

About The Author