Sawirro-Muuqaal: Wasiir Dhabancad oo Gaalkacyo kulan kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Mudug

26 June 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka Gobolka Mudug.

Ujeedka kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo waxgaradka Gobolka Mudug ayaa ku saabsana qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin sidii looga wada shaqayn lahaa horumarka guud ee gobolka, ka jawabida xaalada abaarta ka jirta gobolka Mudug, sidii wax loogu qaban lahaa dadka reer guuraaga ah ee iskugu soo guuray gobolka Mudug gaar ahaan deegaanada roobku da’ay ee la iskugu soo hayaamay ee hoos yimaada degmooyinka Galdogob iyo Bursalaax.

Sidoo kale sidii Dowladda Puntland uga qayb qaadan lahayd adeegyada assaasiga ah ee dadka u baahan yihiin sida adeegyada caafimaadka dadka, xoolaha iyo biyaha, wacyigelinta iyo ilaalinta Nabadgalyada dadka reer guuraaga ah ee iskaga soo hayaamay Galmudug iyo Puntland ee daaqa iskugu yimi.

Ugu damayntii Wasiirka iyo waxgaradka gobolka Mudug ayaa isku raacay in laga wada qeyb qaato hanaanka doorashooyinka ee hal qof iyo hal cod ee Golayaasha deegaanka Puntland.

About The Author