Beyle oo iska diiday inuu hortago Xeer Ilaaliyaha Qaranka

26 June 2022 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyada ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu soo saaray kaga jawaabay warqad uga timi Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taas oo ku saabsanayd in uu berri horyimaado Xeer ilaaliyaha.

Wasiir Beyle ayaa cadeeyey inay soo gaartay warqadda xeer ilaaliyaha ee loogu yeeray, balse wuxuu muujiyey inay ku jiraan qaladaad dhanka sharciga ah, isagoo sheegay in arrintaan uu uga dambey doono garyaqaanka guud ee dowladda.

“Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda. Garyaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.

Wuxuu sheegay in isagoo raacaya xeerkaas, kana digtoon in lagu xad gudbo masuuliyadda iyo waajibaadka garyaqaanka guud ee dowladda, “Uu si xushamad leh ugu soo jeedinayo xeer ilaaliyaha in xafiiskiisu uu u hoggaansamo habraacyada iyo xeerarka la dejiyey ee lagu talo galay in lagu maamulo arrimaha dowladda iyo dalka.”

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey in wasaaraddu ay diyaar u tahay in garyaqaanka guud ee dowladda ay la wadaagto wixii macluumaad ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu uga soo baahdo.


About The Author