Sawirro-Muuqaal: Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Rooble oo kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda oo dayactir….

28 June 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Xuruntaan oo u dhaw Muqdisho Stadium ayaa waxay dawladii Kacaanku dhistay sanadadii 1980-maadkii, iyadoo ay u dhistay Xisbigii Kacaanka Hantiwadaaga Soomaaliya ee uu dalka ku xukumayey AUN Siyaad Barre 1976dii ilaa 1991dii.

Xaruntaan ayaa waxaa dayactirka lagu sameeyey dhaqaalihii ku baxay bixisay dawladda Qatar, taas oo aan shacabka Soomaaliyeed lala wadaagin laakiin la qiyaasayo inay malaayiin doollar lagu qoray inay ku baxday.

About The Author