Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamse oo xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore Rooble

28 June 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo 25kii Bishan ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Wuxuu noqonayaa Xamse Ra’iisul Wasaarihii muddo 5 sano iyo bilo xil kala wareega Ra’iisul Wasaare kale, iyadoo Khaeyre uusan ku wareejin Rooble.

Munaasanadda xil wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madax badan oo ay ku jiraan labada godoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, xukuumadda xilgaarsiinta, xildhibaano iyo madax kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan joogjoog ahayn COVID-19ka ku dhacay dartiis waxaana matalayey gudoomiyaha golaha Shacabka Aadan Madoobe.

About The Author