Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Axmed Madoobe oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka degmada Dhoobley

29 June 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane H.E Ahmed Mohamed Islaam ayaa kormeeray qaybaha uu ka koobanyahay isbitaalka weyn ee Degmada Dhoobley.

Madaxweynaha oo ay wehlinayaan Wasiirka Amniga Gen.Yuusuf Xasan Cusman Dhuumaal iyo Gudoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xasan ayaa waxa uu ugu kuurgalayey xaaladda isbitaalka isaga oo ugu horeeyntii kormeeray qaybaha Hooyada iyo Dhalaanka, qaybaha bukaan jiifka iyo socodka iyo sidoo kale qaybta gargaarka deg dega.

Agaasimaha Isbitaalka Degmada Dhoobley Maxamed Xasan Yuusuf ayaa Madaxweynaha uga warbixiyay xaalada isbitaalka isagoo sheegay in isbitaalka Dhoobley xiligan adeegyo caafimad looga soo raadsado deegaanada ku xeeran Degmada Dhoobley iyo sidoo kale deegaanada dhaca gudaha Kenya ee aan xuduuda wadaagno.

Waxa uu sidoo kale Agaasimaha sheegay in ay ku yaryihiin Dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaalka, daawooyinka, gadiidka ay gurmarka deg dega u isticmaalan iyo dhismo guud oo uu u baahanyahay isbitaalka Degmada Dhoobley.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyey Maamulka iyo Shaqaalaha isbitaalka Dhoobley sida ay ugu dhabar adeegayaan shaqooyinka ay u hayaan bulshadooda isaga oo intaa ku daray in Dowladda iyo Wasaaradda Caafimadka ay dabooli doonan baahiyaha kala duwan ee ka jira isbitaalka.

Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya iyo qurba joogta reer Jubaland ayuu ugu baaqay Madaxweynaha in si deg deg ah ay gacan ooga gaystaan xaaladda isbitaalka Dhoobley oo u baahan xiligan Qalab, Dhakhaatiir, Daawooyin iyo balaarinta dhismaha isbitaalka.

About The Author