Daawo Muuqaal: Ra’iisul wasaare Xamse ”Caqliga Soomaliga ayaa foorare ee ha la toosiyo”

29 June 2022 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo caawa ka hadlay xaflad ay kusoo dhawaynayeen qaar ka mid ah Soomaalida wax kubaratay dalka Malayshiya ayaa waxa uu sheegay inuu caqliga soomaaligu uu fooraro.

Raysal Wasaare Xamse ayaa yiri “Madaxtooyada aan Daganahay ah in Gabar yare oo afrikaan ah oo aan Muslim ahayn ay iga ilaaliso qof Soomaali ah wax la aqbali karo ma ahan”

Xamse oo ka hadlaya meesha ay ka jirto dhibaatada Soomaaliya ahaysata ayaa yiri  “Caqligeenna waa rogan yahay haddaan Soomaali nahay, sax maaha in aan diyaarad u kala raacno Jowhar, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo, caqliga waa rogan yahay”

”Waxaan marka anigu qabaa waxa ina hayaa…Abaartu micno ma leh, Colaada ina haysaayi waa laga gudbi karaa, dhaqaale xumada waa laga gudbi karaa, wax kasta oo dhibaato ah xal baa loo heli karaa, haddii Caqliga xal loo helo, kaas weeye midka Masiibadu ka taagan tahay, marka Caqligii soomaaliga ahaa aynu xal u raadino”

About The Author