Guddi loo magacaabay Xisaabxirka Miisaniyada 4-Tii Sano u dambeysay ee 2018-2021

Guddiga dabagalka iyo Xaqiiqa raadinta xisaab xirkii 4-tii sano ee u dambeysay ee Miisaaniyadda sanadkii 2018, 2019, 2020, 2021 ayaa la magacaabay, kuwaasoo ka kooban 7 xubnood oo shan ka mid yihiin Xildhibaano iyo Labo Senatar.

Guddiga ayaa kala ah:

1. Xildhibaan Saciid Maxamed Cali
2. Xildhiban C/raxmaan Beenebeene
3. Xildhiban C/raxmaan Cadde Cabdow
4. Xildhibaan Enjineer Saadaq
5. Xildhibaan C/qafaar Xaange
6. Sen Saciid Cawke
7. Sen C/xakiin Maalin

Magacaabistan ayaa timid saacdi kadib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay meel mariyeen Miisaaniyadda sanadka 2022, kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay, waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen Guddiga KMG Maaliyadda ee loo saaray Miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo.

About The Author