Sawirro-Muuqaal: Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland oo lagu ansixiyey Xeerka…. iyo arimo kale

30 June 2022 (Puntlandes) Shirkii golaha wasiirrada Somaliland oo uu shirguddoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi ayaa lagaga dooday arrimo kala duwan oo ku wajahan xaaladda dalka iyo noloshada guud ee bulshada.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, ahna guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha, Dr. Sacad Cali Shire oo halkaas ka hadlay, ayaa golaha uga warbixiyey kulamo maalmahanba u socda guddida dhaqaalaha oo wax lagaga qabanayo xaaladda dhaqaale ee dalka, waxana uu sheegay inay guddi ahaan tallaabooyin badan oo la xiriira yaraynta sicir-bararka iyo la dagaallanka abaaraha hore u qaadeen, islamarkaana ay kulamo badan la qaateen madaxda shirkadaha korontada dhaliya iyo shirkadaha kale ee saamaynta ku leh waxyaabaha daruuriyaadka u ah nolosha bulshada.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa isaguna golaha u sharraxay siyaasadda qaran ee diiwaanka sekeda oo maanta golaha loo qaybiyey, isaga oo ku dheeraaday sida ay siyaasaddani fure ugu tahay in dadka baahani ay helaan kaalmo joogto ah oo ay ku daboolaan baahiyahooda, loona midayn lahaa sekeda dalka oo dhan.

Intaas kaddib, goluhu waxa uu gudo galay dood iyo falanqayn uu muddooyinkii ugu dambeeyey ku waday qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka Somaliland oo hore loogu qaybiyey golaha, kaas oo maanta si rasmi ah goluhu u ansixiyey.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhankiisa sharraxay nuxurka xeerkani xambaarsan yahay, waxana uu tilmaamay in xeerkani yahay mid looga gol leeyahay sidii loo abuuri lahaa fahan guud oo la xiriira maamuuska, xurmaynta iyo habdhaqanka qofka madax-dhaqameedka, dejinta nidaamka xilka iyo waajibaadka, shuruudaha iyo qaab-dhismeedka ay madaxda dhaqanku yeelanayaan, xil-gudashadoodana la waafajiyo Diinta Islaamka.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dood iyo falanqayn dheer kaddib, qabyo qoraalka xeerka madax-dhaqameedka cod u qaaday, waxana ay golaha wasiirradu ku meelmariyeen cod aqlabiyad ah waxaana u codeeyey 33 xubnood halka ay ka aamuseen laba xubnood.

About The Author