WAR DEG DEG AH-DHAGAYSO: Xildhibaanadii mooshinka keeney oo saxaafada la hadley

66

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo dalbadey kalfadhi deg deg ah ayaa galabta  shir-jaraaid ku qabtey Garowe. Shirkaas jaraa’id waxay ku sheegeen galabta Xildhibaandu inay warqada ay ku dalbanayaan kulanka deg dega ah ku wareejiyeen guddoonka Baarlamaanka, sidaas darteedna ay filayaan in iyadoo la tixgelinayo dastuurka si dhaqso ah Baarlamaanku isugu yimaado.

Dhanka kale, xildhibaannada ayaa mar kale waxay ku celiyeen sababaha ku kallifaya in xilligan barlamaanka laysugu yeero maadama waqtigii uu furmi lahaa kal-fadhiga 35aad muddo koobani ka harsan tahay waxayna sheegeen inay muhiim tahay in laga wada tashado:

  •  Xaaladaha ammaanka
  •  Dhaqaalaha
  •  Siyaasadda Puntland

 

Xildhibaanada ayaa sheegay in xilligan meel xun ay marayso xaalada Puntland. Wararka madaxa bannaan ee warbaahinta Puntlandes heleyso ayaa sheegaya in xildhibaanadani qorsheynayaan mooshin ka dhan ah xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dhagayso qaybta 1aad Shirkaas jaraa’id


Dhagayso qaybta 2aad Shirkaas jaraa’id


Puntlandes.com

About The Author