15-ka May waa maalin Taariikhi ah ayna tahay in Dhalinyarada Soomaaliyeed ku baraarugaan

69

Bishii may 15 keeda Sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay dareemeen dhibaatooyinka gumeysiga kadibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL. Xisbigii Legada (SYL) waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah “Somali Youth League”, Leegana waa iyadoo af Talyaani ah “Lega dei giovani Somali”.

Fikrad kasta oo shaqaysa waxaa keena qof ama koox. Fikradda lagu aasaasay xisbiga SYL waxaa lahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudan in si gaar ah loo xuso, kuwaas oo aad u Aragti dheeraa islamarkaana lahaa dareen wadiniyadeed oo ku qotama Soomaalinimo.

Magacyada 13-kii dhallinyarada ahaa ee aasaasay SYL 15 may 1943 waxey kala ahaayeen:

1-Yaasiin Xaaji Cismaan

2-C/qaadir Sheekh Saqaawadiin

3-Maxamed Cismaan baarbe.

4-Maxamed faarax Hilowle.

5-Sayidiin Xirsi Nuur.

6-Maxamed Cali Nuur.

7-Daahir Xaaji Cismaan

8-Xaaji Maxamed Xuseen

9-Khaliif Hiidoow Macalin.

10-Cismaan Geedi raage.

11-Dheere Xaaji Dheere.

12-Maxamed Cabdala Xayeysi.

13-Cali Xasan Cali Barduuro.

Dhalinyaradaasi ayaa aasaastay ururkii SYL sanadkii 15 may 1943-dii kadib markii ay ka dhiidhiyeen hagardaamooyinka gumeysiga,  waxeyna nasiib u yeesheen in halganki ururki SYL uu sabab u noqdo in dalkeena uu madaxbanaani buuxdo qaato 1960-kii.

Hadaba maanta oo ah 15 kii may 2015 waxay ku beegan tahay 72 sano guuradii ka soo wareegtay markii Dhalinyaradaasi ay aasaaseen Ururkii SYL. Warbaahinta Puntlandes waxay waxay hawada u marinaysaa meel kasta oo ay joogaan Dhalinyarada Soomaaliyeed Bambalyo, waxay u rajaynasaa in ay fadhiga ka kacaan kana fekeraan dalkooda sidii kuwii ka horeeyey.

Ha ogaadaan Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay iyaga yihiin waxa dantooda ku waayey dawlad la’aanta dalkooda,, ha ogaadaan Dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan wax macquul ah ama la qaadan karo aysan ahayn in dal dhan uu baabasanaado muddo 24 sano ah……

Puntlandes.com

 

Puntlandes

About The Author