Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey Xisaabxirka 2021, xubno ka mida TPEC, xasaanad na siiyey….

30 July 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa;

1. Ansixinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda sannadka 2021

2. Xasaanad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada &Tacliinta Sare DPL

3. Ansixinta xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland – TPEC

Ugu horeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillad Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku soo dhaweeyay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha oo gacanta ku hayey, akhriska 2aad na ku samaynayey Xisaab-xirka Sannad-maaliyeedka 2021.

Sida uu qabo Qodobka 64-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ee ah Habka loo ansixiyo Xisaab-xirka Miisaaniyadda, kadib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada, Guddiga ayaa Odoraska miisaaniyadda sannadka 2021 ee Goluhu ansixiyey ku sheegay in laga filayey gudaha lacag dhan $94,085,580, waxaase dhab ahaan u soo xarooday $79,170,096, una dhiganta 84.15% waxaana muuqda is-dhin han $14,915,484 una dhiganta 15.85%

Sidoo kale, waxaa jira lacag laga filayey Mashriicda Bankiga Adduunka oo Odoroskiisu ahaa $27,556,092, waxaana ka soo xarooday $14,213,358 iyadoo is-dhinku yahay $13,342,734 in la waayey filashadii Mashriicda Bangiga Adduunka ee 2021, Xisaab-xirka waxaa loo diyaariyey hab waafaqsan nidaamka Xisaabaadka kaashka caalamiga ah ee loo yaqaan IPSAS Cash Basis, Kadib waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 36 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus 9 xubnood sidaas ayey ansax ku noqtay Xisaab-xirka 2021.

Xasaannad-siinta Wasiir ku-xigeenka Waxbarshadda & Tacliinta sare DPL Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax ( Dujana),

Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee DPL Cabdirxmaan Yuusuf Faarax (Dujana) ayaa Golaha ka horyimid si uu helo Xasaanadda shaqo, isagoo ka hor-akhriyey taariikhdiisa shaqo, waxbarasho iyo waayo-aragnimo, Kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 47 Xildhibaan, Diidmo & Aamus toona ma jirin, Xildhibannada ayaana wasiir ku-xigeenka Waxbarasharadda iyo Tacliinta sare cod wadar-oggol ah ku oggolaaday.

Dhanka kalena, waxaa Fadhiga maanta Xildhibaanadda Puntland horyimid Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland kuwaa oo kala ahaa,

1. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac (Dayax)

2. Mahad Bashir Nuur

3. Maxamuud Yaasiin Mohamed Aw Cali

Xubnaha magacaaban ee Guddiga KMG Doorashooyinka ayaa Golaha ka horjeediyey taariikhdooda, aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin xilka loo magacaabay.

Intaa kadibna, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xubnood, waxayna sidaa ku heleen codka kalsoonidda.

About The Author