Muuqaal: Baarlamanka Puntland oo diiddey iibinta Xaruntii Dawladda Hoose ee Degmada Garowe

30 July 2022 (Puntlandes) Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa  fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uga ansixinta Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Degmadda Garowe.

Xildhibaanda Wakiillada ayaa diiddey iibinta Xaruntii Dawladda Hoose ee Degmada Garowe oo ku yaala Bartamaha caasimadda Puntland.

Warqad codsi ah oo Madaxweynaha Dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ku codsanayey iibka dhulka Dawladda Hoose ee Garowe kaas oo cabirkiisu dhan yahay 30X90 laguna iibiyo tartan furan sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 52aad farqadiisa 3aad ayaa waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 5 Xildhibaan, Diidmo 27, Aamus 11, Golaha Wakiillada ayaana sidaa ku diiday Iibka Dhulka Dawladda Hoose ee Garowe.

About The Author