Muuwqaal: Guddiga Baarlamaanka ee u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga oo codsaday…..

30 July 2022 (Puntlandes) Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa  fadhiga 30-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxaa horyimid Guddiga u xil-saaran Arrimaha Garsoorka & Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad.

Labada Guddiyadda ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta shaqooyinka loo xil-saaray, waxayna Golaha ka codsadeen inay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah, maadama la gelayo maalmaha fasaxa ee Xuska sannad-guuradda 24aad ee aas-aaska Dawladda Puntland,waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 42 Xildhibaan, Diidmo ma jirin, Aamus 5 xildhibaan, sidaas ayaana Golaha ugu codeeyay inuu Kalfadhiga 50aad wakhti dheeraad ah lagu daro siina furnaado illa inta laga soo dhammeystirayo Maxkamadda Sare iyo Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad.

About The Author