Abuu Muscab oo soo hadlay xili Dowladda Itoobiya sheegtay iney dishay

30 July 2022 (Puntlandes) Ururka Alshabaab ayaa sheegay dagaalkii ay Shalay ay la galeen ciidammada Liyu Booliska ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iney ku dileen in ka badan 100 askari.

Faahfaahin kooban oo ururka Alshabaab uu dagaalka ka soo saaray wuxuu ku sheegay fariisimo ay ciidamada Liyuu booliska ka smeysteen deegaanka Caato ee gobolka Bakool ay cagta mariyeen, hub iyo saanado ciidanna ay ka furteen, sida ay ku sheegeen cod ay ku baahiyeen warbaahinta afka Al-Shabab ku hadasha.

Sheekh Cabdulcasiis Abu-Muusa oo ah afhayeenka Alshabaab kana mid ahaa xubnihii ay Itoobiya sheegtay iney ku dishay dagaalkii ka dhacay deegaanka Caato wuxuu sheegay subaxnimadii shalay ahayd iney ciidamada Liyu Booliska ay ku qaadeen dagaal culus.

Kama uusan hadlin wararka sheegaya in la dilay shalay, mana cadda xilliga uu codkaasi duubay.

About The Author