Madaxweyne ku xigeenadda Jubaland iyo Galmudug oo ka horyimid Xukuumadda cusub

04 Aug 2022 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenadda dowlad goboleedyada Jubaland Maxamuud Seyd Aadan iyo Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka horyimid Xukuumadda cusub ee Raysal wasaare Xamse uu ku dhawaaqay, iyagoo sheegay in lagu xad gudbay habka awood qeybsiga beelaha Daarood.

Labada madaxweyne ku xigeen ayaa kulan wadatashi ah waxay ku yeesheen Aaladda fogaan arraga ee ZOOM, kuwaas oo qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ku iclaamiyeen shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan beesha si ay goaan uga qaataan Xukuumadda cusub.

“Waxaan Maanta shir kuwada yeelanay aalada fogaan araga ee (Zoom) Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug  Cali Daahir Ciid, Shirkaa oo aan ku lafa gurnay Xaalada guud ee dalka iyo gaar ahaan arimaha Bulshada Beesha Sade Mareexaan ee Deegaanada u ah Jubaland, Galmudug, Ethiopia iyo Gobolka Banaadir. Shirkaas oo si wadajir ah ku go’aaminey kuna baaqnay in la iskugu yimaado shirweyne deg-deg ah oo looga tashanayo caqabadaha ku xusan iyo sidii Beesha ay uga falcelin lahayd quursiga lagu sameeyay ee dhisida golaha wasiirda ee dowlada dhexe” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland .

Warkaan kasoo baxay labada madaxweyne ku xigeen ee Jubbaland iyo Galmudug ayaa imaanaya, xili maalin ka hor lagu dhawaaqay liiska Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayna soo baxeen dhaliilo adag oo loo jeedinaayo Xukuumadda cusub oo wali aysan meel marin Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka ay soo saareen:

About The Author