Xildhibaanada Beesha Sade ee BFS oo soo saaray mowqfi ku aadan golaha wasiirada cusub

05 Aug 2022 (Puntlandes) Xildhibaanada labada gole ee ku metala beesha Mareexaan (Sade), ayaa markii u horeysay shaaciyay inay gebi ahaanba qaadaceen Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Xildhibaanada SADE ayey waxay ku sheegeen in lagu xad-gudbay awood qaybsiga beesha Daarood habkii soo jireenka ahaa ee awood qaybsiga dhexdooda taasi oo xad-gudubkeedu u muuqdo quursi iyo gaf aan la qaadan karin.

“Xildhibaanada labada gole ee Beesha Mareexaan-Sade, waxay si buuxda u garwaaqsadeen in hanaanka lagu dhisay xukuumadda federaalka Soomaaliya uu yahay mid abaal marsan dastuurka dalka iyo hanaanka awood qeybsiga habka beelaha 4.5 ay Soomaalidu ku heshiisay,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Xildhibaanada labada gole waxay dareen mideysan kusoo jeedinayaan in masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u saxid ku sameeyaan hanaanka awood qaybsiga beelaha dhexdooda si shacabka Soomaaliyeed u helaan xukuumad dheelitiran oo ay ku wada qanacsan yihiin.”

Xildhibaanada ayaa waxay ugu baaqeen masuuliyiinta dowladda federaalka iyo xubnaha labada gole in laga fogaa meelna looga soo wada-jeesto waxkasta oo cadaalad darro ah oo halis ku keeni kara geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafadeedka Xildhibaanada SADE lagu taageeray shirka wad-tashiga ah ee ay shalay ku dhawaaqeen madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo Galmudug.

About The Author