XOG: Saciid Deni oo ka Dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh inuusan soo kaxaysan Xildhibaanada iyo Xildhibaanada wasiirada ah ee Puntland ka soo jeeda!

24 Aug 2022 (Puntlandes) Waxaa barri oo khamiis ah la filayaa inuu Puntland booqasho ku yimaado madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu horay u diiday imaatinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ee Puntland.

Warbaahinta Puntlandes waxay ilo ka agdhow Madaxweyne Deni u soo dusiyeen inuu imaatintka Xamse u diiday isagoo u arka inuusan ahayn nin wax ka go´aan, taas bedelkeedana uu doonayo inuu wadahadal la yeesho madaxweyne Xasan Sheekh oo ah ninka ay wax ka go´aan.

Warbaahinta Puntlandes ayaa sidoo kale ogaatay in Madaxweynaha Puntland Deni uu ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh in uusan soo kaxaysan Xildhibaanada iyo wasiirada xildhibaanada ah ee Puntland ka soo jeeda.

Deni ayaa kolkii hore ku marmarsiiyooday inuusan dhaqaale u hayn  martigalista Xildhibaanadii uu isagu xoogga ku soo xushay, laakiin waxay caddaatay diidamadiisu markii uu u sheegay madaxwewyne Xasan Sheekh in uu bixinayo dhaqaalaha ku baxaya safarka, sida ay xog ku heshay Warbaahinta Punytlandes, iyadoo madaxweyne HSM og yahay in ay guryahooda u soo socdaan oo aysan u baahneyn meel ay ku hoydaan iyo martigelin.

Siciid Deni ayaa doonaya inuu Xasan Sheekh kaligiis la kulmo, taas oo meesha ka saaraysa nidaamkii dawladnimada, tusaale ma waxaa wadahadlaya Puntland oo xubin ka mid ah dawladda Federaalka ah iyo dawladdii Federaalka mise laba shaqsi?, Puntland ma Siciid Deni baa mise maamul dawladeed? Ma ku saxan yahay xasan Sheekh inuu kaligiis tago Puntland isagoo fulinaya dalabka Siciid Deni?

Arintaan ayaa Khiyaano qaran ku ah Puntland iyo Federaalkaba, waxaana ka dhalan doonta inay dib u fiirsadaan Xildhibaanada gaar ahaan kuwii u codeeyey Siciid Deni oo aaminsanaa iyo mucaaradnimada Xasan Sheekh oo noqota mid korta.

Siciid Deni ayaa caado ka dhigtay inuusan u dhaqmin qaab dawladnimo intii uu hayey hogaanka Puntland.

Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Deni qorshihiisa la kulanka Xasan Sheekh uu doonayo qodobadaan inuu ka dhamaysto si ay u heshiiyaan una wada shaqeeyaan:

1-In Xasan Sheekh $15 Milyan u celiyo Siciid Deni taas oo ah qayb ka mid ah lacagtii uga khasaartay doorashadii madaxweynaha oo u tartamay.

2- In Xasan Sheekh ku taageero Deni muddo kororsiga uu damacsan yahay, isagoo u arka inay u fududahay in uu jiiri karo reer Puntland haddii aysan DFS soo farogashan.

Siciid Deni ayaa wuxuu si cad dhabarka ugu jeediyey Xildhibaanadii isaga aaminsanaa oo u coddeeyey isagoo albaab walba ka xiray maantana ay ka fiican yihiin kuwii kolkii horeba ka tagay oo aan u codayn.

Xildhibaanada Puntland oo wakiil ka ah Shacabka Puntland ma ku eeganayaan inuu Siciid Puntland ka dhigto shirkad uu leeyahay?

Puntlandes.com

About The Author